UEFA Oo Shaacisay Xilliga La Qabanayo Finalka Champion-ka ee Xilli Ciyaareedka Dambe Iyo Garoonka Lagu Ciyaarayo .

Ururka kubadda cagta qaaradda yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday xilliga la qabanayo finalka Champion-ka xilli ciyaareedka 2017/2018-ka iyo waliba garoonka lagu ciyaarayo .

Real Madrid ayaa maalmo ka hor ku guuleysatay finalka Champion-ka oo ay 4/1 uga qaadeen kooxda Juventus oo ay ku kulmeen magaalada Cardiff ee dalka Wales .

Waxa uu Real koobkaas u ahaa koodii 12-aad ee Champion-ka halka sidoo kale u ahaa koodii labaad ee isku xigay .

Sida bogga UEFA lagu sheegay ,isku aadka Champion-ka ee xilli ciyaareedka dambe ayaa la sameeynayaa 24-ka bisha August

Kulamada ugu horeeya ee wareegga Group-yada Champion-ka ayaa la qabanayaa 13-ka bisha September

Kulanka Finalka Champion-ka ayaa la qabanayaa 26-ka May ee sanadka 2018-ka waxaana lagu ciyaarayaa garoonka Olimpiyskiy National Sports ee magaalada Kiev ee dalka Ukraine

Comments

comments

Leave a Reply