Toni Kroos → Man City, Anderson Talisca → Man United Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qoreen Wargaysyada Caalamku

Wanaagsan oo wacan Akhrisayaasheena sharafta iyo Qiimaha leh ee aan jecelnahayow ku soo dhowaada mar kale iyo barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee aynu ku soo bandhigi jirnay wararka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee ay wargaysada caalamku ka qoraan suuqa kala iibisga.

Wali ma furna suuqu kooxna waxba lama soo wareegi karto laakiin kooxaha ayaa dhiisha guntiga isaga xiraya una diyaar garoobaya sidii ay suuqa uga soo iibsan lahaayeen xiddigo ay xilli ciyaareedka dambe ku dagaalamaan.

Kooxaha ayaa heshiiyada la furi kara xiddigaha iyo kooxohooda heshiis Afka ahna la sii meel dhigi kara laakiin saxiixa ayaan dhici karin ilaa laga gaarayo bisha July1-deeda.

Tababaraha kooxda chelsea ee Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in u isaga tago Kooxda chelsea xagaagan ilaa waxa uu doonayo loo sameeyo (Daily Express).

Kooxda Man United iyo jose Mourinho ayaa goolhayaha reer Spain ee David De Gea ku qiimeeyay 100 Milyan markii ay Miiska wadahadalada la fasriisteen kooxda Real Madrid (Daily Star).

Goolhayaha kooxda chelsea Thibaut Courtois ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaaban doona bilaa heshiis cusub kadib markii ay wadahadaladii isteegeen (Daily Star).

Kooxda chelsea ayaa dalab dhan 52.5 Milyan ka gudbisay daafaca xulka qaranka Senegal iyo kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (Daily Star).

Kooxda Man United ayaa mar kale weerar suuqa ah ku qaadi doonta kooxda Benfica iyada oo marka ka doonaysa xiddiga khadka dhexe ee Anderson Talisca oo lagu qiimeeyo 15 Milyan oo euro (Daily Mirror).

Kooxda Southampton ayaa u dhaqaaqaysa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Middlesbrough ee Ben Gibson si ay badal uga dhigto xiddiga kooxda baxsadka ka ah ee Virgil van Dijk (Daily Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa United ku adkaynaysa saxiixa Alvaro Morata iyada oo dalbatay 90 Milyan oo euro si ay u helaan saxiixiisa (The Independent).

Tababaraha kooxda Man City ee pep Guardiola oo isku diyaarinaya in uu u dhaqaaqo xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo Kooxda Real Madrid ee Toni Kroos (Don Balon).

Goolhayaha kooxda Man City ee Joe Hart oo si joogto ah ugu biiri doono kooxda Torino xagaagan inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxda PSG (Tuttosport)

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: