Taageerayaal Cadhaysan Oo  Gianluigi Donnarumma Ku Dhex Bahdilay Garoonka Dhexdiisa Siday Wax U Dhaceen?

Dhawaan ayay ahayd markii warar kasoo baxayay talyaanigu ay sheegeen in goolhayaha da’da yar ee Gianluigi Donnarumma uu ku gacan saydhay heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa Ac Milan.

Warkaas ayaan noqon mid ay ku farxeen taageerayaasha kooxda Ac Milan iyagoo kaga fal celiyay kulan dhex maray qaramada Italy iyo Denmark ee ay da,doodu ka yar tahay 21 ka.

taageerayaashan gadoodsan ayaa waraaqo loo ekaysiiyay lacag laakiin an lacag caadiya ahayn kusoo daadiyay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Donnarumma tasoo la micno ah in uu kooxdiisa ka doortay lacag.

Goolhaye Gigio ayaa uu qandaraaskiisa ka hadhsan yahay hal sano iyadoo Kooxaha ku tartami doona da,yarkan ay yihiin kooxaha Juventus,Real Madrid,PSG iyo Man United kuwaas oo dhamaantood doonaya adeegiisa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Kooxda Ac Milan ayaa si cad u sheegay in ayna xagaagan iibin doonin Goolhayahan wax kasta oo dhaca xitaa hadii ay xagaaga dambe si xor ah ku waayi doonaan

Comments

comments

Leave a Reply