Ronaldo: Laba Arin Ayaa U Sabab Aheyd In aan Ku Guleysanno Champion-ka Xilli Ciyaareedkaan “.

Ronaldo ayaa ka hadlay guushii kooxdiisa ee Champion-ka ka dib kulan 4/1 ah ay ku garaaceen Juventus xilligaas oo uu dhaliyay laba gool

Ka dib kulankaas ayuu Ronaldo yiri ” aad ayaan ugu faraxsanahay guushaas , wallee waxii aan awoodnay oo dhan ayaan soo bandhignay”.

” Xilli ciyaareedkaan farxad ayaan ku dhameysannay diyaar buuxa ayaan u aheyn in aan koobkaan qaadno go`aankaas ayaana sabab u ahaa in aan la xaroonno”

” Tababare Zidane kalsooni badan ayuu ciyaartooyda ku beeray waana midda keentay in aan shaqo wacan aan qabanno”ayuu sii raaciyay Ronaldo.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Labadaas gool ayuu Ronaldo ku gaaray goolkii 600-aad ee aayihiisa kubadda cagta ee kooxiihii uu so maray iyo qaranka Portugal

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in sidoo kale Ronaldo noqday gool dhaliyaha xilli ciyaareedkaan ee Champion-ka markii 6-aad taariikhiidiisa waxa uuna dhaliyay 12 gool.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: