RASMI: Xiriirka UEFA Oo Shaaciyey In Kooxaha Kala Ah FC Salzburg iyo  RB Leipzig Ay Kamid Yihiin Kooxaha KA Qeeyb Galaya Champions League Xilli Ciyaareedka 2017/18, Maxaa U Diiday Markii Hore?

Gudiga garsoorka ee dhaqaalaha kooxaha ee xiriirka kubada cagta UEFA  ayaa go’aansaday inay aqbalaan kooxaha kala ah FC Salzburg iyo  RB Leipzig inay kamid yihiin ka qeeyb galiyaasha tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda 2017/18.

MArkii lagu laabtay heerka UEFA waxaa la ogaaday inaan xaq ahayn inay seegaan Champions League kooxaha ka dhisan Germany iyo Australia ee kala ah FC Salzburg iyo  RB Leipzig,waxaana la ogaaday in qodobka shanaad ee xeerka UEFA aan la jebinkarin.

Baaritaan dheer ayaa sidoo kale la sameeyey waxaana la helay in dhan waliba markii la fiiriyey ay kooxahaan muteeysteen inay ciyaaraan Champions League.

Dhanka dhaqaalaha , arrimaha shirkadaha, maalgelinta, shaqaalaha, diyaarinta xayaysiinta,waxaa uu go’aansaday guddiga CFCB in kooxahaan ay kamid yihiin ka qeeuyb galiyasha Champions League

Waxa loo arkaa in go’aankaan la qaatay 10 maalmo gudohooda dhanka maxkamada sababtoo ah , waxaa sidaas qoraya qodobka 34aad , Boggiisa labaad ee sharciga UEFA, waana xeer la ansixiyey 2015 in kooxaha loo fiiriyo dhaqaalohooda iyo waxa ay ka sameeynkaraan koobka.

Guddiga ayaa sidoo kale baaritaano ku wadidoonaan labada kooxood waxaana la ogaandoonaa haddii ay jiraan waxyaabo kale.

Sidoo kale sheekadaan ayaa sii dheero gelineysa kooxaha maadaama UEFA ay si rasmi ah boggeeda ugu daabacday.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: