Munich Oo Juventus Ku War Gilisay Qiimaha Ay Ku Fasixi Karaan Douglas Costa

Sky Sport Italy ayaa sheegeysa in kooxda Juventus ay ka go`an tahay saxiixa xiddiga Bayern Munich ee

Shabakadaas ayaa sheegtay in maamulka Juve ay wadahadallo toos ah kula jiraan Munich si ay helaan saxiixa 26 sano jirkaas ka ciyaara garabka

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Munich ay Juve ku war giliyeen in ay miiska soo saaraan 50-milyan oo euro si laacibkaas reer Brazil u helaan xagaagaan

Juve ayaa dhankeeda isku dayaysa in ay Munich ku qanciyeen qiimo ka yar 50 miilyan oo euro

Sky Sport ayaa xuseysa in Juve diyaar la yihiin haatan 30 milyan oo euro si saxiixa Douglas Costa loo dhameeyo

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: