Mario Balotelli Oo Laga Yaabo In Uu Ka Sii Ciyaaro Horyaalka France Koox Weyn Ayaa U Waalanaysa

Weeraryahanka xulka qaranka Italy iyo Kooxda Nice ee Mario Balotelli ayaa laga yaabaa in uu ku sii sugnaado horyaalka France kadib markii ay xiiso u muujisay kooxda Marseille sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigan reer Italy ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda Nice kadib markii uu si xor ah ugu biiray xagaagii isaga oo ka tagay kooxda Liverpool.

Xiddigan ayaa dhaliyay 14 gool 21 kulan oo uu kooxda Nice u dhaliyay waxana uu kooxda ka caawiyay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Mario Balotelli ayaa haatan raadinaya koox uu si joogto ah ugu biiro xagaagan maadama uu hal xilli ciyaareed oo kaliya u saxiixay kooxda Nice.

Qaab ciyaareedkii fiicnaa ee xiddigan ayaa soo jiitay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund iyada oo xitaa wakiilka xiddigan iyo isaga lagu arkay magaalada Dortmund.

Si kasta ha ahaatee wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda reer France ee Marseille ay doonayso in ay xiddigan si toos ah ula wareegto inta lagu guda jiro xagaagan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: