Marco Verratti Oo Xiddig Khadka Dhexe Oo Barcelona Ah U Dhowaynay Kooxda Juventus Laakiin Sidee

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Italy iyo Kooxda PSG ee Marco Verratti uu sabab u noqon doono in Ivan Rakitic ku biiro kooxda Juventus xagaagan.

Xiddiga reer Italy ayaa si cad u sheegay in uuna doonayn in uu xilli ciyaareed kale ka sii ciyaaro kooxda PSG isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Wargayska Mundo deportivo ayaa sheegaysa in imaanshaha Marco Verratti ee Camp Nou uu albaabka u furi doono in Rakitic ku biiro kooxda Juventus.

29 Jirkan reer Craotia ayaa diirada u saaran tababaraha kooxda juventus Max Allegri oo taageero weyn u ah xiddigan isaga oo doonaya in uu kooxdiisa ku xoojiyo xagaagan.

Rakitic ayaa kooxda Juventus ugu biiri kara lacag dhan 20 Milyan isaga oo lacag intaa leeg ugu soo biiray kooxda Barcelona sanadkii 2014.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: