Lyon Oo Arsenal U Sheegtay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karaan Alexandre Lacazette ,Toloow Wenger Ma Sameyn Doonaa?.

Kooxda Lyon ayaa lagu waramayaa in Arsenal ku war giliyeen halka waddo ee ay ku heli karaan weeraryahanka ay u waasheen ee Alexandre Lacazette

The Sun ayaa sheegeysa in Lyon ku war giliyeen Arsenal in hishiiska Alexandre Lacazette ku doonayaan ay ku soo daraan Olivier Giroud.

Kooxdaas reer France ayaa waqti hore ku soo celisay Arsenal dalab gaaraya 60 milyan oo gini oo ay ka geeyeen 25 sano jirkaas reer France

Alexandre Lacazette ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay kooxdaas 37 gool dhamaan tartamada ay ku jirtay kooxdaas Lyon

Madaxa Lyon ee Jean Michel ayaa sheegaya in uu ku adkeysanayo in laacibkaas laga keeno qiimo sareeya ama in Arsenal hishiiska ku soo daraan weeraryahankooda Olivier Giroud si qiimaha isu dhimo.

Olivier Giroud ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu baxo maadaama xilli ciyaareedkii hore inta badan uu ku qaatay kursiga keydka Arsenal

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: