Laba Xiddig Oo Barcelona Ah Oo Ka Shaqaynaya In Ay Ousmane Dembélé Ku Soo Jiidaan Kooxda Barcelona

Laba Xiddig oo ka tirsan kooxda Barcelona ayaa Ousmane Dembélé ku qalqaalinaya in uu ku soo biiro kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddigaha Lucas Digne iyo Samuel Umtiti oo daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona sidoo kale isku xul yihiin Ousmane Dembélé ayaa ka shaqaynaya in uu xiddigan ku soo biiro kooxdooda xagaagan.

Da,yarkan ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Barcelona ee xagaagan iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Qaab ciyaareed cajiib ah oo uu xiddigan soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore ayaa sabab u noqday xiisaha waaliada ah ee ay xiddigan u qabto.

Laakiin Kooxda Borussia Dortmund ayaa lacag waali ah dul dhigtay madaxa xiddigan mustaqbalka fiican ku leh kubada cagta iyadaga oo doonaya in ay ku fasaxaan 90 Milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee hadii xiddigan reer France kooxdiisa ka dalbado in la iibiyo waxa dhici karta in ay kooxda reer Germany hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso.

Sidaa darteed xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Lucas Digne iyo Samuel Umtiti ayaa isku xil qaamay sidii ay xiddigan uga dhaadhicin lahaayeen in uu xagaagan kula soo biiro kooxda Barcelona.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: