Xidsiga Chelsea mudada sanadka ah bar tilmaameysaneysay ee Kostas Manolas ayaa lagu waramayaa in uu ka meermeerayo in hihsiis cusub u saxiixo kooxdiisa Roma
Hishiiska daafacaas ee Roma ayaa dhacay xagaaga 2019-ka balse Kostas Manolas iyo Roma waa isla meel dhigi weysan yihiin hishiis cusub
Clacico Mercato ayaa sheegeysa in laacibkaas reer Greece uu doonayo in laga iibiyo Chelsea waxaana qiimaha lagu heli karo uu gaarayaa 48 milyan oo euro
Laacibkaas 26 sano jirka ah ayaa sedexdii xilli ciyaareed ugu dambeeyay soo bandhigayay heer ciyaareed soo jiitay kooxo kala duwan waana daafac dhexe oo cajiib ah
Waxa uu haatan laacibkaas sugayaa dalab rasmi ah oo ay Chesle ka keento saxiixisa si uu kooxdiisa uga dalbado in la fasaxo
Laacibkaas ayaa sidoo kale waxaa dooneysa kooxda reer Russia ee Zenit kuwaasi oo mushaar sanadkii 3.5 milyan oo euro u soo bandhigtay sida Sky Sport sheegeyso