Kooxda Real Madrid Oo Taageero Buuxda U Muujisay Xiddigeeda Crsitiano Ronaldo Kadib Eedayntii La Xiriirtay Cashuuraadka

Kooxda Real Madrid ayaa difaacday xiddigeeda Crsitaino Ronaldo oo lagu soo eedeeyay in uu musuq maasuq kula kacay cashuuraadka laga qaado.

Real Madrid ayaa ku kalsooni u muujisay xiddigeeda reer Portugal kadib markii maamulka Spain xiddigan ku eedeeyeen in aanu sideeda u bixin cashuurta.

Xiriirka Spain ayaa xiddigan ku soo eedeeyay in uu 2 sano oo kala lun saday cashuuraadka sanadahaas oo kala ah 2011,2014 xilli uu xiddigan wajihi karo ganaac ama ilaa 7 sano u dhexaysa.

Si kasta ha ahaatee maamulka kooxda Real Madird ayaa kalsooni buuxda u muujiyay xiddiga ugu fiican kooxdooda maadama uu xiddigan ta ilaa sanadkii 2009 si caadi ah isaga bixin jiray lacagaha cashuuraha ah.

Horyaalka Spain ayaya Arinta eedaynta cashuuruhu ku soo badanaysaa bilhii ugu dambeeyay iyada oo sidoo kale dhowr jeer arintan oo kale lagu soo eedeeyay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: