Keita Balde Diao Oo La Ogaaday In Uu Koox Italy Ah Heshiis Hordhac Ah La Saxiixday

Wararka ka imanaya dalka italy ayaa sheegaya in kooxda Juventus heshiis hordhac ah la sii gashay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lazio ee Keita Balde Diao.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Arintan tahay sababtii uu xiddigan u diiday in uu ku biiro kooxda Ac Milan oo doonaysay adeegiisa maalmihii ugu dambeeyay.

Xiddigan ayuu hal sano uga harsanyahay heshiiskiisa kooxda Lazio waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan caasimada Roma.

Si kasta ha ahaatee xiddigan ayaan loo ogolaan doonin in uu si xor ah kooxda uu doono ula hadlo ilaa laga gaarayo bisha january ee sanakda 2018.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Xiddigan ayaa sidoo kale xiiso waali ah ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin kooxaha Liverpool,Tottenham iyo Inter Milan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: