Juventus Oo Kor U Qaaday Qiimaha Lacageed Ee Ay Ku Doonayso Saxiixa Douglas Costa

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in Kooxda Juventus ku dhowdaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Douglas Costa.

Kooxda Juventus ayaa diyaar u ah in ay kooxda Bayern Munich miiska u saarto lacag dhan 40 Milyan iyo waliba lacago dheeraad ah oo ku xiran qaab ciyaareedka xiddigan

Juventus ayaa ku rajo weyn in ay saxiixa xiddigan soo afjarto maalmaha soo socda si ay isaga ilaaliso tartan ay kala kulanto kooxaha reer yurub.

Kooxda finalka champions League gaartay ayaa doonaysa in ay xiddigan ka dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee xagaagan.

Cost ayaa laftiisu u sheegay maamulka Bayern In uu doonayo in uu kooxda isaga tago kuna biiro kooxda Juventus inta lagu guda jiro xagaagan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: