Juventus Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Dalab Ka Gudbiso Badalka Dani Alves France Ayay Ka Soo Wadaan

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbinayso daafaca bidix ee xulka qaranka Ivory Cost iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Serge Aurier.

Sida laga soo xiganayo wargayska Calciomercato kooxda Juventus ayaa xiddigan u aragta badalka tooska ah ee xiddiga lala xiriirinayo horyaalka premier league ee dani Alves.

Alvers ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn loola xiriirinayay ku biiritsa horyaalka Premier leageu inkasta oo uu beeniyay wakhti aan fogayn.

Laakiin Kooxda PSG ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda Tottenham oo ku raad joogta xiddigan reer Ivory cost iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso daafaceeda.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Si kasta ha ahaatee xiddigan ayaa lagu soo waramayaa in ay mamnuuc ka tahay in uu galo dalka England sababo la xiriira dhibaatooyinka booliska ah oo uu xiddigan ku dhex jiro.

Taas ayaa Kooxda Juventus siinaysa gacanta sare ee ah in ay hesho adeega xiddigan heerka caalami ee lagu heli karo lacag dharo 10- ilaa 15 Milyan oo euro.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: