Haku biirin Arsenal: Halyey Gunners ah oo Kylian Mbappe kula taliyay inuusan usoo dhaqaaqin Arsenal Talow muxuu ugu diiday?

Halyeygii hore ee gunners Emannuel Petit ayaa talo wax ku ool ah siiyay da’yarka yurub looga waashay ee Kylian Mbappe isagoo u sheegay in uu si fiican u kala xusho dalabyada miiska u saaran.

Petit ayaa Mbappe u diiday Arsenal isaga oo tusaale usoo qaatay da’yarkii lacagaha badan ku yimid Manchester United labo sano kahor ee Anthony Martial kaasoo imikaba ku dhex jahwareersan kooxdiisa Man United.

Petit ayaana yidhi “Mbappe waa hogaamiyaha jiilkiisa”

“Waan jeclaan lahaa inaan arko isagoo kusoo biiraya Arsenal laakiin laba sano kahor waxa Manchester utd kusoo biiray Martial”

“Martial aad ayuu u fiicnaa bilihiisii ugu horeeyay laakiin imaatinka Jose Mourinho wuu ku dhibtooday sidaa darteed wa halis in Mbappe usoo wareego Gunners”

Arsenal ayaa la ogyahay in ay diyaar la tahay dalabkii labaad oo ku kacaya 100 milyan si ay gacanta ugusoo dhigto da’yarkan 26 gool u dhaliyay kooxdiisa AS Monaco.

Comments

comments

Leave a Reply