Dib U Eegid:Mohamed Salah Oo Galay Taariikhda Kooxda Roma, Liverpool Ayaa Sabab U Ah

Wargayska La Gazzetta dello Sport ee ka soo baxa Italy ayaa sheegaya in uu xiddiga Mohamed Salah Galay taariikhda kooxda Roma kadib markii ay Kooxda Liverpool ogolaatay in ay miiska saarto lacagtii ay Kooxda Ku iibinaysay xiddiga.

Wararka Italy ka imanaya ayaa sheegaya in uu Mohamed Salah Ugu Biiri doono Kooxda Liverpool Lacag dhan 40 Milyan oo euro iyo 5 Milyan oo ku xiran qaab ciyaareedka xiddigan.

Sidaa darteed Mohamed Salah ayaa noqon doona xiddigii ugu qaalisanaa ee ay iibiso Kooxda Roma iyada oo ay sababta leedahay Agaasimaha Isboortiga kooxda Roma oo diiday in ay lacag intaa ka yar kooxdu ku fasaxdo xiddigan.

Xiddigan ayaa rikoorka xiddiga ugu qaalisan ee ay Roma iibisay ka jabiyay xididga kooxda juventus ee Miralem Pjanić oo kooxda Roma uga tagay lacag dhan 32.2 Milyan Euro.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxda.com ayaa xusaysa in heshiiska Mohamed Salah uu Liverpool ugu biiri doono la shaacin doono todobaadkan dhexdiisa maadama ay labada kooxood haatan isku af garteen qiimaha xiddiga.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: