Dib U Eegid : Ronaldo Haddii Uu Ingiriiska Ku Laabato Waxa Uu Ugu Tagayaa Rikoor 10 Sano Ka Hor Uu Dhigftay Oo Aan Weli Laga Taaban

Warar kala duwan ayaa Ronaldo la xariirinaya in uu ku soo laabanayo kooxda United iyadoo ay sii xoogeysteen wararka sheegaya in xagaagaan uu ka tagayo Real.

Ronaldo ayaa ka careysan in maamulka Real aysan ku garab istaagin dhibka uu ku jiro ee ah eedeynta loo soo jeediyay ee la xariirta in uu sameeyay is daba marin dhanka cashuuraha ah.

Laacibkaas 32 sano jirka ah ayaa Real u yimid xagaagii 2009-kii xilligaas oo uu ka huleelay kooxda United waxa uuna xilligaas noqday laacibka ugu qaalisan dunida

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Hadaba haddii ay dhacdo in Ronaldo uu ku soo laabto Ingiriiska waxa uu ugu imaanayaa rikoor uu Ingiriiska ka dhigtay xilli ciyaareedkii 2007/2008-dii

Waxa ay kooxda.com soo xiganeysaa in Ronaldo uu yahay ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Ingiriiska ka soo dhaliya 40 gool iyo ka badan dhamaan tartamada hal xiliciyaareed gudahood waxa uuna sidaas sameeyay 2007/2008-dii xilligaas oo uu dhaliyay 42 gool.

Dhanka kale Ronaldo ayaa illaa haatan ku lug yeeshay 517 gool oo uu Real u dhaliyay ka dib 394 kullan oo uuu safay ,waxa uu shabaqa soo taabtay 406 jeer halka 111 kalana uu sameeyay

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: