Dib U Eegid :Mohamed Salah Oo Sdex Taaraiikh Ku Dhigay Hishiiska Uu Ugu Soo Wareegay Kooxda Liverpool

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa noqday laacibki ugu qaalisanaa taariikhda ciyaartooyda carbeed iyo Africa ka dib markii uu shalay 42 milyan oo euro ugu biiray Liveprool oo ay sii dheer tahay 8 milyan oo ah gunno la xariirta qaab ciyaareedka uu ku soo muuqdo laacibkaas

Waxa uu Salah ka sara maray laacibka reer Algeria ee Islam Slimani kaasi oo xagaagii hore Leicester City ugu yimid 34 milyan oo euro

Wargeyska Metro ayaa sheegaya in sidoo kale uu Salah noqday laacibka ugu qaalisan taariikhda Liverpool ka dib markii uu ka talaabsaday Carroll oo 2011-kii kooxdaas ugu yimid 39 milyan oo euro

Salah waxa uu kale uu noqday laacibka africa ka soo jeeda kii ugu qalisanaa taarikhda waxa uuna ka sara maray Sadio Mané oo u dhashay Sengal kaasi oo Liverpool ugu yimid 34milyan oo gini

Laacibkaas hore Cheslea ayaa laba xilli ciyaareed uu ku soo qaatay Roma waxa uu soo dhaliyay 29 gool ka dib 65 kullan oo uu horyaalka Italy ka soo ciyaaray

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Tayasiir says:

    Waxa kale oo uu noqday =- ciyaaryahankii ugu qaalisanaaa ee ay iska iibiso kooxda reer talyaani ee Roma.

  2. Tayasiir says:

    Waxa kale oo uu noqday =- ciyaaryahankii ugu qaalisanaaa ee ay iska iibiso kooxda reer talyaani ee Roma.




.




.




%d bloggers like this: