Dib U Eegid: Leon Goretzka Oo Taariikh Cusub Ka Diwaan Gashaday Koobka Qaaradaha Muxuu Sameyay?

Xulka qaranka Germany ayaa 4/1 ugu awood sheegtay dhigooda Mexico kulan ka tirsanaa semi-finalka koobka qaaradaha ee ka socda dalka Russia.

Goolal ay dhaliyeen Leon Goretzka (2),Timo Werner iyo Amin Younes ayaa xulka qaranka Germany ka caawiyay in ay finalka koobkan ugu tagaan xulka qaranka Chile.

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany ee Leon Goretzka ayaa isku qoray taariikhda koobkan kadib markii uu xulka qarankiisa u dhaliyay laba gool.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Leon Goretzka ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya labadii gool ee ugu deg-dega badnaa ee laga dhaliyo taariikhda tartanka koobka qaardaha.

Xiddiga ayay labadii gool ee uu dhaliyay kaliya u dhexeeyeen laba daqiiqo isaga oo goolkii 1-aad dhaliyay daqiiqadii 6-aad halka uu goolkii 2-aad dhaliyay daqiiqadii 8-aad.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: