Dib U eegid : Goorma Ayaa Holland Ugu Dambeysay In Ay Guul Gaaraan Sedex Kullan Oo Isku Xiga ?.

Holland ayaa guul weyn ka gaartay Luxembourg waxa ayna uga taalbsadeen 5 gool oo nadiif ah

Kulankaan ayaa ka tirsan wareegga 6-aad ee is reeb reebka dalalka yurub ee loogu soo baxayo koobka aduunka ee 2018-ka Russia lagu qabanayo

Gooalshaas waxaa kala saxiixay Arjen Robben, Wesley Sneijder,Georginio Wijnaldum,Quincy Promes iyo Vincent Janssen

Hadaba guushaan ayaa noqoneysa tii 3-aad ee isku xigta ee qaranka Holland gaarto tan iyo sanadkii 2014-tii gaar ahaan koobkii aduunka waxaana xilligaas hayay tababare Van Gaal .

Sidoo kale Holland oo laba kullan isku xiga dhalisay 5 gool waxaa ugu dambeeysay arintaas sanadkii 1998-kii waanamuddo 19 sano laga joogo
Waxa ay horay 5 gool uga badiyeen Ivory Coas oo ay afarta bishaan wada ciyaareen kullan saaxibtinimo

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: