Ingiriiska ayaa min laba gool kula hishiiyay Scotland oo ay ciyaareen kullan is reeb reebka koobka aduunk loogu soo baxayo ah
Labadaas gool waxaa dhaliyay Chamberlain iyo Harry Kane xilli goolka bar bar dhaca Harry Kane uu yimid waqtigii dheeriga ee dhamaadka ciyaarta
Hadaba marka laga yimaado guushaas ,labadaas gool qiimo gaar ah ayuu ugu fadhiyaa labadaas laacib
* Alex Oxlade-Chamberlain ayaa markii ugu horeeysay gool u dhaliyay qaranka Ingiriiska tan iyo bishii October ee sanadkii 2015 waana 607 maalin
* Harry Kane ayaa isna dhaliyay goolkii ugu horeeyay qaranka tan iyo May sanadkii 2016-dii