Dib U Eegid : Giroud Oo Ku Guuleystay Arin Ay Ku Fashilmeen In Ay Qaranka Ka Sameeyaan Zidane Iyo Henry ,Rikoor Kalena Wuu Dhigtay

Olivier Giroud ayaa ku hogaamaiyay qarankiisa France in ay guul weyn oo 5 gool ah ka gaareen qaranka Paraguay oo ay ugu martiyeen kulan saaxibtinimo

Weeraryahankaas reer Arsenal ayaa kulankaas dhaliyay sedexl gool, waxa ayna u tahay markii ugu horeysay ee uu qaranka u dhaliyay sedexleey .

Laacibkaas ayaa haatan sidaas ugu guuleystay in uu ka gun gaaro lambar ay horay ugu guuleysan waayeen Zidane iyo Thierry Henry oo ah in sedexleey ay u dhaliyaan qaranka France.

Waxa ay kooxda.com soo xiganeysaa in sedexleydaan tahay middii ugu horeeysay ee uu laacib France ah u dhaliyo qaranka muddo 17 sano ah

Markii ugu dambeeysay waxa ay aheyd bishii August ee sanadkii 2000 waxaana markaas sidaas sameeyay David Trezeguet

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: