Dib U Eegid : 7 Xaqiiqo Oo Ka Soo Baxday Guushii Real Ee Champion-ka Iyo Dhacdo Laga Diiwaan Giliyay Juventus

Real Madrid ayaa ku guuleystay koobkii 12-aad ee Champion-ka ka dib markii 4/1 ay ugu awood sheegteen kooxda Juventus

Hadaba xogo ka soo baxay guushaas ayay kooxda.com soo qaadeysaa

1- Zidane ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay taariikhda Champion-ka oo laba jeer isku xigta qaada koobkaan tan iyo markii magaca cusub loo bixiyay

2- Juvetus waxaa ka dhashay finalkaan 4 gool xilli guud ahaan tartankaas kulamadii ay ka soo ciyaareen ay ka dhasheen kaliya sedex gool.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

* Ronaldo ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay Real oo laba gool ka dhaliya finalka Champion-ka tan iyo sanadkii 1962-dii waxaana xilligaas sidaas sameeyay Puskas

* Ronaldo ayaa markii 6-aad aayihiisa kubadda cagta waxa uu ku guuleystay abaal marinta gool dhaliyaha Champion-ka

* Ronaldo ayaa ku guuleystay koobkiisii 4-aad ee Champion-ka ee aayihiisa kubadda cagta

* Real ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay taariikhda oo goolal dhalisa dhamaan kulamadii ay ciyaareen xilli ciyareedkaan ee dhamana tartamada

* Ronaldo ayaa gaaray goolkiisa 600-aad ee aayihiisa kubadda cagta ee koox iyo qarankiisa Portugal ka dib laba gool oo uu ka dhaliyay Juventus

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: