DEG-DEG: Kooxda Juventus Oo Ogolaatay In Ay Miiska Saarto Lacagta Lagu Heli Karo Wojciech Szczesny Koox Italy Ah Ayay Ku Garaacday.

Shabakada caalamiga ah ee Sky Sports ayaa sheegaysa in Kooxda Juventus Ku dhowdahay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga kadib markii ay Arsenal kala heshiisay iibka goolhayaha xulka qaranka Poland ee Wojciech Szczesny.

Kooxda Juventus ayaa goolhayahan oo haatan amaah kula jooga kooxda Roma u aragta badalka ugu haboon ee shabaqa kooxda ka badali kara khabiirka reer Itlay ee Gigi Buffon.

Szczesny ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay amaah ku qaatay kooxda Roma waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxda caasimada ka caawiyay u soo bixitaanka champions League.

Juventus ayaa kooxda Arsenal miiska u saartay lacag dhan 16 Milyan si ay ugu ogolaato in ay xiddigan si toos ah ula wareegto xagaaga.

Szczesny ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono mushahar dhan 4 Milyan isaga oo xilli ciyaareedka dambe noqon doona goolhayaha 1-aad ee kooxda Bianconeri

Juventus ayaa saxiixa goolhayahan reer Poland ku garaacday Kooxda Napoli oo iyada lafteedu doonaysay in uu ku badasho Goolhaye Raina Oo ku sii jeeda horyaalka Premier League

Comments

comments

Leave a Reply