DEG-DEG: Kooxda Bayern Munich Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga Xiddig Arsenal U Soo Ciyaaray Ayay La Wareegeen

Kooxda Bayern Munich ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Werder Bremen ee Serge Gnabry.

21 jirkan reer Germany ayaa dhowaan sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Werder Bremen kadib markii uu hal sano ku qaatay kooxdaasi.

Xiddigan ayaa qalinka ku duugay heshiis ku eg ilaa 2020 oo uu la joogi doono kooxda Bayern Munich oo u dhaqaaqday saxiixiisa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Bayern Munich ayaa saxiixa xiddigan ku garaacday kooxaha Hoffenheim and RB Leipzig kuwaas oo doonayay in ay xiddigan ku xoojiyaan kooxohooda.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

“waxa ay ii tahay sharaf weyn in aan ka mid noqdo kooxda Bayern Munich”ayuu Gnabry sheegay kadib markii uu dhamaystiray heshiiskiisa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: