Chile Oo Daqiiqadihii Dambe Kabaha La Dul Martay Cameroon 2/0 Ayay Ku Khaarajiyeen

Xulka qaranka Chile ayaa guul dirqi ah ka gaaray Xulka qaranka Cameroon kulan ka tirsan koobka qaaradaha ee ka socda dalka Russia.

Chile ayaa ahaa xulka ugu cad-cad kulanka isaga oo kulanka ku bilowday dar-dar xoogan halka xulka qaranka Cameroon uu daafaca ku jiray.

Cameroon ayaa inta badan ciyaaraysay kubada rogaal celiska ah waxana ay qaadayeen kubado orod ah si ay gool rogaal celi ah uga dhliyaan Chile.

Xulka qaranka chile ayaa qaybtii hore gool helay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Eduardo Vargas laakiin waa laga diiday maadama uu ku jiray offise.

Qaybtii hore ayaa ku dhamaatay bar-baro 0/0 ah oo ay labada xul isku mari waayeen inkasta oo ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aadu u qurux badan.

Saaxiibada Alexis Sanchez ayaa qaybtii damb ee ciyaarta dar-dar cusub la soo galay iyaga oo doonayay in ay xulka chile u quus gooyaan qaybta dambe.

Daqiiqadii 82-aad ayuu xulka qaranka chile helay goolkii furitaanka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal isaga oo kulanka ka dhigay 1/0 ay chile hogaanka ku hayso.

Chile ayaa sii laba jibaartay weerarkii ay ku haysa Cameroon iyaga oo weeraro cir iyo dhul ah ku qaaday daafaca xulka Cameroon si ay goolka 2-aad u helaan.

Daqiiqadii 90-aad ayay chile sii dheeraystay ciyaarta hurdo dheerna u dirtay iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga weeerarka uga ciyaara ee Eduardo Vargas isaga oo kulanka ka dhigay 2/0 ay hogaanka ku hayso chile.

Waxana sidaas ku dhamaaatay ciyaart uu xulka qaranka chile u awood sheegtay cameroon iyo chile oo gaartay guushii ugu horaysa ee koobka qaaradaha.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: