Chelsea oo isaga hadhay Romelu Lukaku badalkiisa ayay France kasoo wadaan laakiin kali kuma aha

Macalin Antonio Conte oo k faa’idaysanaya lacagta 250 milyan ee ay siisay kooxdiisa Chelsea ayaa suuqa kala iibsiga ka wada dhaq dhaqaaqyo baahsan isaga oo isku diyaarinaya inuu si dhakhso ah ula soo saxiixdo ciyaartoy xoojin kara kooxdiisi ku guulaysatay horyaalka sanadkii hore.

Alexandre Lacazette oo hore diirada ugu saarnaa intabadan kooxaha ka dheela premier league ayaa lagu soo waramayaa inuu kusoo baxay liiska ciyaartoyda uu tababare Conte ka rabo Stamford bridge iyadoo la fahansan yahay in macalin conte uuna diyaar u ahayn inuu bixiyo lacagta 90 ka milyan ah ee ay everton ku dalbanayso Romelu Lukaku oo ahaa weeraryahanka inta badan lala xidhiidhinayay kooxda blues.

Ka bixitaanka kooxda ee Diego Costa ayaa keenaysa in blues ay ku biirto loolanka loogu jiro ciyaartoygan reer france.

Atletico Madrid oo loo arkayay kooxda ugu dhaw ee Lacazette ayaa ka ganaaxnaan doonta suuqa kala iibsiga ilaa january 2018 taas ayaana fududaynaysa in xidigan uu usoo hayaamo dhinaca Premier League.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: