Bayern Munich Iyo Arsenal Oo Ku Loolamaya Xiddig 86 Milyan Lagu Qiimeeyo Horyaalkee Ayuu Joogaa

Kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Belguim iyo kooxda Ateltico Madrid ee Yannick Carrasco.

Xiddigan reer Belguim ayaa qaab ciyaareed fiican la qaatay kooxda ka dhisan caasimada isaga oo 14 gool u dhaliyay 5 kale caawiye ka ahaa 53 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xiganayo fichajes.net labada kooxood ayaa diyaar u ah in ay miiska saaraan lacag waali ah oo dhan 86 Milyan oo ah lacagta lagu jabin karo heshiiska xiddigan.

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa Alexis Sanchez laakiin xiddigan reer Belguim ayay u dhaqaaqi doontaa hadii ay weydo saxiixa xiddiga reer chile.

Dhanka kale Arsenal oo isku diyaarinaysa bixitaanka Alexis Sanche ayaa doonaysa in ay xiddigan ku buuxiso booskiisa marka uu kooxda ka tago.

 

Comments

comments

Leave a Reply