Bayern Munich oo ku kalsoon inay Man City ka dul qaado saxiixa daafac ka dheela Primier League waa kuma?

Warar ka imanaya dhinaca dalka jarmalka ayaa sheegaya in Bayer Munchen ay kalsooni dheeraad ah ku qabto inay saxiixa daafaca midig ee Kyle Walker ku garaaci doonto Manchester City.

27 jirkan reer ingiriis ayaa la la filayaa inuu faarujiyo kooxda Tottenham Hotspurs kadib markii ay wadahadaladii heshiis kordhintiisu ay kusoo idlaadeen is fahan la’aan.

Manchester city ayaa ahayd kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayay ciyaaryahankan laakiin sida ay ku waramayso Dailly Express Bayern ayaa diyaar u ah inay badal uga dhigto Philip Lahm kasoo soo gabagabeyay waayihiisa kubada cagta xili ciyaareedkii dhamaaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Bayer munchen ay diyaar ula tahay ciyaartoygan mushahar dhan 150 kun oo yuuro todobaadkii  taasoo meesha ka saari karta manchester city.

Kooxda.com ayaa xusay in Macalin Pep Guardiola ayaa xili horeba kooxda ka diray daafacyo tiro badan oo ay ka mid yihiin Pablo Zabaleta,Bacary Sagna,Gael Clichy iyo Aleksander Kolorov.

Comments

comments

Leave a Reply