Bayern Munchen iyo Man City oo ku loolamaya xidig Barcelona ka tirsan laakiin waa hadii….?

Kooxaha Manchester City iyo Bayern Munich o ayaa ku  hirdami doona khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic laakiin waa hadii ay Blaugrana lasoo saxiixato xidig PSG ee Marco Veratti.

Khadkan dhexe ee reer Croatia ayaa diyaar u ah inuu isaga hayaamo kooxda Barcelona kadib xili ciyaareed aan wacnayn oo uu lasoo qaatay Iyadoo la fahansan yahay in hadii uu Verrati soo gaadho gobolka Catalan uu Rakitic boorsooyinkiisa sii xidh xadhan doono.

Wargayska Mundo Depotivo ayaa ku waramaysa in ay Kooxda Barcelona xiddigan ku fasixi doonto kaliya lacag dhan 50 Milyan oo euro.

Ivan Rakitic oo Kooxda Barcelona kaga soo biiray kooxda kaga soo biiray kooxda Sevilla ayaa Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ka badalay Xavi oo kooxda ka tagaysa sanadkii 2015 waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican inkasta oo uu xilli ciyaareedkii dhowaa boos joogto ah ka waayay kooxda.

Xiddigan ayaa horay loola xiriirinayay in uu isaga tagi doono kooxda laakiin waxa uu doortay in uu u dagaalamo booskiisa kooxda.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: