Arjen Robben Oo Farta Ku Fiiqay Wakhtiga Uu Ciyaaraha Ka Fariisan Doono Iyo Waliba Meesha Uu Ku Laaban Doono

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Holland iyo Kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu iska siibi doono kabaha lagu ciyaaro isagan fariisan doono ciyaaraha kubada cagta.

Arjen Robben ayaa sheegay in uu kubada cagta soo gaba-gabayn doono dhamaadka xilli ciyaareedka 2018 marka uu ka qayb qaato koobka adduunka ee 2018.

Robben ayaa soo qaatay nolol ciyaareed oo cajiib ah isaga oo noloshiisa ciyaara u soo ciyaaray kooxaha Groningen,PSV,Real Madrid,chelsea iyo Bayern Munich oo uu haatan joogo.

“Run ahaantii waxa aan ku sii dhowaanayaa wakhtigii aan soo xiri lahaa nolosha garoomada waxa aan haatan ka fikirayaa waxa aan qaban doono marka aan kubada ka fariisto”ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

“Waxa dhici karta in aan ciyaaraha isaga fariisto 2018 anigu kama war-warayo waxa xagaaga dambe dhici doona kaliya waxa aan haatan diirada saarayaa xilli ciyaareedka cusub”.

Robben ayaa hadalkiisa ku soo xiray”Arinta kaliya ee aan idiin xaqiijin karo ayaa ah marka aan ciyaaraha ka fariisto in aan ku laaban doono kooxda Groningen waayo xiriir dheer oo ah ilaa yaraan taydii ayaa igu xiraya kooxdaas laakiin taas waxa ay dhacay muddo lix sano laga joogo”

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: