Ac Milan Oo Wadahadalo La Furi Doonta Fiorentina Weeraryahan Khabiir Ah Ayay Ka Doonayaan

Kooxda Ac Milan ayaa lagu soo waramayaa wadahadalo la furtay kooxda Fiorentina iyada oo ka doonaysa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Nikola Kalinic.

Wargayska Calciomercato ayaa doonaya in ay Kooxda Ac Milan xilli ciyaareedka dambe weerarkeeda ka wada ciyaarsiiso xiddigaha Andre Silva iyo Nikola Kalinic.

Warka ayaa intaa ku daraya in Agaasimaha kooxda Ac Milan ee Massimiliano Mirabelli iyo dhigiisa Pantaleo Corvino ay maalinta mari ah ama arbacada si Rasmi ah u kulmi doonaan.

Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska xiddigan ku dari doonto xiddigaha Gianluca Lapadula and Gabriel Paletta oo ay kooxda Fiorentina xiiso u muujisay todobaadkii hore.

30 jirkan ayaa la filayaa in ay ku helaan adeegiisa lacag dhan 20 Milyan iyo xiddig ay hal xilli ciyaareed amaah ku siin doonto.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: