AC Milan Oo Toos Ula Xariirtay Real, Xiddig United Iyo PSG Doonayaan Ayay Baacsanayaan

Dhowr koox ayaa baacsnaya xiddiga ka sii socda Real Madrid ee James Rodriguez ,waxaana haatan si dhab ah ugu soo biirtay loolanka kooxda AC Milan

Laacibkaas 25 sano jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii hore ka waayay Real in uu ciyaaro kulamo ku filan waxaase ugu darneyd in aan lagu soo darin liiskii Real ee finalkii Champion-ka

Kooxaha sida weyn u horay u baacsanayay laacibkaas ayaa waxa ay ahaayeen United iyo PSG balse haatan Milan ayaa kula soo biirtay

The Gazzetta dello Sport ayaa sheegeysa in AC Milan ay xariir la sameeyeen maamulka Real oo ay ka wareysteen xaaladda laaicbka

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Lama helin qiimaha laacibkaas ay ku doonayaan basle kama yaraan doono 80 milyan oo euro waana qiimihii Rela ka soo bixiyeen xagaagii 2014-tii xiligaas oo ay wiilkaas reee Colombia kala soo wareegeen kooxda Monaco

Xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay Real waxa uu haystay boos joogto ah waxa uuna dhaliyay 13 gool isaga oo ka ciyaraay booska qadka dhexe weerar balse xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Isco ayaa booskiisa galay

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: