Ac Milan Oo Go,aan Kama Dambays Ah Ka Gaartay Mustaqbalka Goolhaye Gianluigi Donnarumma

Kooxda Ac Milan ayaa go,aan kama dambayn ah ka gaartay mustabalka Goolhayeheeda reer Italy ee Gianluigi Donnarumma kadib markii uu diiday in uu heshiiska u kordhiyo kooxda.

18 jirkan ayaa go,aansaday in aanu heshiiska u cusboonaysiin kooxda ku ciyaarta San Siro xilli heshiiskiisu dhacaya xagaaga dambe.

Arintaas ayaa keentay in uu goolhayahan xiiso waali ah ka helo kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeega inta lagu guda jiro xagaagan.

Si kasta ha ahaatee Agaasimaha kooxda Ac Milan ee Massimiliano Mirabelli ayaa u sheegay kooxaha doonaya xiddigan in uuna meelna uga socon kooxda xagaagan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

“Donnarumma Waa xiddig weyn waana xiddig Mila ah xilli ciyaareedka dambena waxa uu joogi doona Ac Milan”ayuu u sheegay Sportitalia.

Warkan Ayaa ah mid u xun kooxda Real Madird oo isku diyaarinaysay in ay dalab ka gudbiso adeega xiddigan reer Italy

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: