Xulka Qaranka Brazil Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Ay Kula Ciyaarayaan Xulalka Argentina iyo Australia.

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa soo saaray liiska xiddigaha xulka qarankiisa la ciyaari doona kulamada Argentina iyo Australia.

Daafaca kooxda chelsea ee hantay horyaalka Premier league ayaa ka soo muuqday liiska kadib markii uu ka maqnaa muddo sanda ka badan.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Alex Sandro ayaa sidoo kale ka soo muuqday liiska xulka qaranka Brazil.

Laakiin xiddigaha Marquinhos, Marcelo and Dani Alves ayaa ka maqnaa liiskan xiddiga khadka dhexe ee Casemiro ayaa sidoo kale ka maqnaa liiskan.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Hadaba halkan hoose uga bogo liiska xiddigaha uu soo xushay Tababare Tite:

Goolhayayaasha: Diego Alves [Valencia], Weverton [Atletico-PR], Ederson [Benfica].

Daafaca: David Luiz [Chelsea], Gil [Shandong Luneng], Jemerson [Monaco], Rodrigo Caio [Sao Paulo], Thiago Silva [PSG], Alex Sandro [Juventus], Fagner [Corinthians], Filipe Luis [Atletico Madrid], Rafinha [Bayern]

Khadka Dhexe: Fernandinho [Manchester City], Giuliano [Zenit], Lucas Lima [Santos], Paulinho [Guangzhou Evergrande], Coutinho [Liverpool], Renato Augusto [Beijing Guoan], Rodriginho [Corinthians], Willian [Chelsea]

Weerarka: Diego Souza [Sport], Douglas Costa [Bayern Munich], Gabriel Jesus [Manchester City], Taison [Shakhtar]

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: