XOG: Ma Lasocotaa In Goolhaaye Buffon Uu Ahaan Lahaa Real Madrid Haddii Ay Arintaan Dhici Lahayd 2006

Real MAdrid iyo Juventus ayaa wada ciyaaridoonaan Finalka Champions League waxaana kooxda Real MAdrid ay damacsan tahay inay meel wanaagsan ka gaarto Tartankaan.

Sheekada xiisaha badan ayaa ah in kooxda Real MAdrid ay isku dayeen inay lasoo wareegaan Buffon 2006 , markaasi oo goolhaayahaan ku sugnaa kooxda Juventus.

Daaficii hore ee kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa ka yaaabay dalabkaas ay kooxda Real Madrid ka gudbisay Buffon.

Sidoo kale kooxda Real Madrid ayaa markale isku dayday inay dalbato Buffon balse waa ay ku guuldareeysteen , maxaa yeelay xidigaan ayaa iska jeclaa inuu kooxda Juventus iskasii joogo.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

”Waxaa ay ahayd xilli hore markii Real Madrid ay soo iskuyday inay dalbato Buffon, sidoo kale kooxo kale oo ka dhisan Yurub ayaa xidigaan dalbadeeen.

”Sababta ay Real Madrid u dalbatay waxaa ay ahayd inay damacsaneeyd in Buffon ay kaga faa’ideeysato markii Seria B loo diray.

Buffon ayaa Finalkii seddexaad kasoo muuqano Champions League inta uu joogo kooxda Juventus , balse xidigaan ayaa laga qaaday labadii lasoo dhaafay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: