Xiriirka UEFA Oo Xaqiijiyay In La Badalay Meeshii Koobka Lagu Gudoonsiin Jiray Kooxda Koobka Qaada Halkee Ayay Go,aamiyeen In Lagu Gudoonsiiyo

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday in dib loo soo celin doono Nidaamkii ay Kooxuhu ugu dabaal degi jireen marka ay ku guulaystaan koobabka yurub.

Kooxaha ayaa marka ay koobka ku guulaystaan kor u fuula taarabuunka iyaga oo koobka lagu gudoon siiyo halka sare ee garoonka taas oo dhacday sanadihii ugu dambeeyay.

Laakiin Xiriirka UEFA ayaa warbixin Rasmi ah ka soo saaray in sanadkan laga bilaabi doono in kooxaha koobka ku guulaysta lagu gudoon siin doono garoonka dhexdiisa go,aankaas oo ka soo go,ay madaxa xiriirka ee Alexander Severin.

“Go,aankan ayaa lagu dabaqi doonaa dhamaan tartamada yurub  oo dhan wixii laga bilaabo sanadkan iyo waliba koobabka dawliga ah”ayuu yiri Alexander Severin.

Alexander Severin ayaa hadalkiisa ku soo xiray”ma jirto meel ka fiican oo loogu dabaal dego ku guulaysiga koobka masuuliyiinka koobka gudoon siinaya kooxda ku guulaystay ayay waajib k tahay in ay u soo dagaan garoonka dhexdiisa si ay abaalmarinaha kala duwan u gudoonsiiyaan xiddigaha”

Go,aankan ayaa laga bilaabi doonaa tartamada xilli ciyaareedkan ee Champions league iyo Europe Leagie oo ay isugu so hareen kooxaha Real Madrid iyo Juventus, Ajax iyo Man United

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: