Xiriirka Kubada Cagta Yurub Ee UEFA Oo Warbixin Ka Soo Saaray Dhacadadii Xalay Ka Dhacday Manchester Miyay Saamaynaysaa Kulanka Finalka Europe Leageu

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA Ayaa warbixin Rasmi ah ka soo saartay dhacdadii xalay ka dhacday Magaalada Manchester xilli uu soo dhowaanayo finalka Europe League oo ay ciyaari doonto kooxda man United lana ciyaari doonto kooxda Ajax.

Magalada Manchester ayuu xalay ka dhacay qarax gaystay dhimasho iyo dhaawac xilli kooxda man United ku jirtay isku diyaarinta finalka tartanka Europe League.

Man United ayaa finalka Europe Leageu la ciyaari doonta kooxda Ajax maalinta Arbacada xilli kulanku ka dhici doono caasimada dalka Sweden ee Stockholm oo ay iyadana ka dheceen falal Aragagixiso bishii April.

Xiriirfka Yurub ayaa warbixin Rasmi ah ka soo saaray dhacdadan iyaga oo leh”ma jirto wax xiriir ah oo ka dhexeeya Arinta Argagixisanimo ee ka dhacday magaalada Manchester iyo finalka Europe League sidaa darteed kulanku waxa uu dhici doonaa wakhtigii loogu tala galay”.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Xiriirka ayaa sidee kale ku dhawaaqday in la adkeeyo Amniga Caasimada kulanku ka dhici doono maadama bilhii ugu dambeeyay ay la kulantay dhacdooyin Aragixisanimo.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: