XASAASI: Hadalka Antonio Griezmann & Diego Simeone Ma Yahay Mid U Wanaagsan Manchester United?

Kooxda Manchester United ayaa helikarta war aysan ku farxin sababtoo ah waxaa kooxdaana ay dooneysey inay lasoo wareegto Antonio Griezmaan.

Macalinka kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa sheegay inuusan meelna kaga socon kooxdiisa Griezmann waxaana la balanqaaday inuu sii joogidoono ilaa iyo xilli ciyaareedka soo socda.

Jose Mourinho ayaa bartilmaameedka ugu weeyn ka dhigtay xidigaan waxana uu doonayaa inuu soo qaato wax waliba oo la sameeyo xilli ciyaareedka soo socda.

Dhanka kale ciyaaryahanka reer France ayaa sheegay inuu rajeeynayo inuu wax badan ka bedelo kooxda waxaana uu qorsheeynayaa in kooxda ay qaab ciyaareed wanaagsan sameeyso.

”Waxaa laga yaabaa in kooxdeeyda iyo Macalinkeeyga ay aad ii jecelyihiin waana sababtaas ,” ayuu xidigaan sheegay.

Dhanka kale ciyaaryahankaan ayaa la weydiiyey inuu shaqsiyadiisa ka hadlo mustaqbalkiisa sanadaha soo socda, waxaana uu ku jawaabay ”Xilligaan la joogo waan ku qanacsanahay shaqsiyadeeyda marna haddiii aan si shaqsiyan aan u faraxsanahay waxaa hubanti ah inaan ku faraxsanahay shaqadeeyda.

Sidaasi darteeda sheekadaan ayaa u muuqata mid aad u adag waxaana laga doonayaa kooxda Manchester United inay xooga saarto xidigaan,

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: