Wargayska Marca Oo Ogaatay Qorshaha Dabaal Dega Ee Kooxda Real Madrid Hadii Ay Qaadaan Horyaalka

Kooxda Real Madrid ayay isku diyaarinaysa dabaal dega horyaalkoodii 33-aad ee La Liga iyaga oo ay kaliya ka xigto guul ay ka gaarto kooxda Malaga oo ay la ciyaari doonto maalinta Axada.

Wargayska Marca ayaa sheegay in kooxda Real Madrid qorshaynayso in ay ku dabaal degaan banaanka Magaalada Madrid gaar ahaan Fagaaraha Plaza de Cibeles halkii ay ku dabaal degi lahaayeen Garoonka dhexdiisa.

Hadii ay Real Madrd guul ka gaarto kooxda Malaga Waxa ay isla markaasba u jeedsan doonaan Fagaaraha Plaza de Cibeles si ay halkaas ugu dabaal degaan xiddigaha kooxda iyo waliba taageerayaashoodu.

Xaflada weyn ayaa la filayaa in lagu qabto garoonka Santiago Bernabéu hadii ay kooxdu ku guulaysato tartanka champions league oo ay finalkiisa la ciyaari doonto kooxda Juventus bisha dambe.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan ku guulaysan karta 2 koob kuwaas oo kala ah Horyaalka Iyo champions league iyada oo waliba markii 2-aad ku guulaysan karta tartanka champions leugue.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Real Madrid Markii ugu horaysay kor u qaadi doonto koobka horyaalka La Liga tan ilaa sanadkii 2012.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: