Warbixin Xiiso Leh Xilli Horyaalka Dhamaad Ku Dhowyahay Kooxdee U Dhow In Ay Rumayso Rumaynta Riyada Yurub Ac Milan,Inter Milan Mise Fiorentina?

Horyaalka Dalka Italy ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ah horyaalada ugu xiisaha badan yurub maadama ay jiraan kooxo badan oo isku haysta boosaska kala duwan xilli horyaalku xiritaan u dhowyahay.

Tartanka loogu jiro hanashada horyaalka ayaaa wali furan iyada oo uu u dhexeeyo kooxaha Juventus,Roma iyo waliba Napoli kooxda Juventus ha ugu cad-cadaatobee.

Sidoo kale waxa wali furan tartanka loogu jiro u soo bixitaanka tartanka Euope League oo ay isku haystaan kooxaha Ac Milan,Inter Milan iyo Fiorentina.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Ac Milan ayaa u dagaalamaysa in ay rumayso riyadeeda ah in ay mar kale dib ugu soo laabato tartamada yurub kadib markii ay 4 sano ka maqnayd.

Image result for ac milan 2016/17

Xilli kooxda Inter Milan ku farxi doonto hadii ay hesho booska loogu soo baxayo Tartanka Europe League inkasta oo ay xilli ciyaareed fashil ah soo bandhigtay.

Inter Milan ayaa laba tababare bashay kuwaas oo kala ah Frank de Boer iyo Stefano Pioli oo ay dhawaan shaqada ka eriday.

Kadib Markii kooxaha ka dhisan magaalada Milan ay todobaadyadii ugu dambeeyay la kulantay guuldarooyin iyo bar-baro aad u badan kooxda Fiorentina ayaa si xoogan u soo duushay kana mid noqotay kooxaha u tartamaya u soo bixitaanka tartamada yurub kadib markii ay gaartay guulo waaweyn oo waliba xiriir ah.

Image result for Inter Milan 2016/17

Kooxaha Lazio iyo Atalanta ayaa iyagu sii xaqiijisatay booskooda wareega Group-yada tartanka Europe League halka kooxaha kale u tartamayaan labada boos ee kale.

Kooxda Ac Milan ayaa haatan fadhida kaalinta 6-aad iyada oo lehh 60 Dhibcood halka kooxda Fiorentina oo aan dab yar shidayn fadhido kaalinta 7-aad iyada oo leh 59 dhibcood.

Koooxda Inter Milan ayaa iyaduna fadhida kaalinta 8-aad iyada oo leh 56 dhibcood xilli labada kooxood ee ilaa haatan ugu cad-cad in ay soo baxaan ay yihiin kooxaha Fiorentina iyo Ac Milan.

Related image

Milan ayaa laba kulan oo fudud la ciyaari doonta kooxaha Bologna iyo Cagliari laakiin dhibaatada ayaa sii socon karta hadii uuna Tababare Vincenzo Montella xal u keenin dhibaatada Milan.

Dhanka kale kooxda Fiorentina ayaa la ciyaari doonta kulan adag iyo kulan fudud iyada oo sabtida la ciyaari doonta kooxda Napoli ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda Pescara.

Inter Milan ayaan lafteedu kulamo sahalan ciyaari doonin iyada oo kulanka Axada La Ciyaari Doonto Kooxda Lazio ka hor inta ayna horyaalka ku soo xirin kooxda Udinese.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: