Warbixin Xiiso Leh: 6 Sababood Oo Cadayn U Ah In Liverpool Ka Hari Doonto Champions League Iyo Gunners Oo Booskooda Xoraysan Doona Kulanka Ugu Dambeeya Horyaalka

Kooxda Liverpool ayay kaliya ka xigaan in ay u soo baxdo champions league hal kulan oo horyaalka Premier league ah kulankaas oo ah kulanka ay la ciyaarayso kooxda Middlesbrough kulanka ugu dambeeya horyaalka.

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku qaabili doonta kooxda Middlesbrough kulan ka tirsan horyaalka Premier league todobaadkiisii 38-aad ahna kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier league 2016/17.

Six reasons to believe Liverpool will fail to beat Middlesbrough

Kooxda Arsenal ayaa rajaynaysa in ay Reds siibato iyaduna guul ka gaarto kooxda Everton si ay iyadu ugu dhamaysato kaalinta 4-aad ee horyaalka una soo baxdo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Hadaba waxa aanu warbixintan Ku Soo Bandhigi Doonaa 6 Xaqiiqo oo sheegaya In Kooxda Liverpool Ku Guul daraysan Doonto U Soo Bixitaanka champions leageu xilli ciyaareedka Dambe Arsenal-na Ku Dhamaysan Doonto kaalinta 4-aad.

1.Liverpool Oo Jecel Bar-baraha:

Six reasons to believe Liverpool will fail to beat Middlesbrough

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro gashay 10 kulan oo horyaalka ah iyada oo ah kooxda kaliya ee sidaa damaysaa 5-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka Premier league labadii kulan ee ugu dambeeyay waxa ay bar-baro la gashay kooxaha Southampton iyo Bournemouth.

2.Rikoorka ay ku Leedahay Kooxda Middlesbrough:

Six reasons to believe Liverpool will fail to beat Middlesbrough

kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxda Middlesbrough ku ciyaarto garoonka Anfield waxa uu ahaa kulan League cup ah iyaga o wada ciyaaray bishii September 2014 waxana uu ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah ka hor inta ayna Liverpool Rikoorayaal 14 iyo 13 ah ku badin.

Waxa ay labadan kooxood wada kulmeen bilowgii sanadkan Liverpool ayaa ku badisay 3/0 waxanan markan eegi doonaa sida ay wax u dhacaan.

3.Dhibaatooyinka Kulamada Ugu Dambeeya horyaalka:

Image result for stoke city vs liverpool 6-1

Liverpool ayaa rikoor xun ku leh kalamada ugu dambeeya xilli ciyaareedkan taas oo ayna kalsooni buuxda ka helin xiddigaha Reds, 7-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kaliya 2 kulan ayay badiyeeyay ha iloobin guuldaradii ugu dambeyasay waxa ay ka soo gaartay kooxda Stoke oo 6/1 ku garaacday.

Natiijooyinkii 7-dii Sano ee ugu dambaysay:

2015/16 – Bar-baro 1-1 Vs West Brom

2014/15 – Guuldaro 6-1 to Stoke

2013/14 – Guul 2-1 Vs Newcastle

2012/13 – Guul 1-0 Vs QPR

2011/12 – Guuldaro 1-0 to Liverpool

2010/11 – Guuldaro 1-0 to Aston Villa

2009/10 – Bar-Baro 0-0 with Hull

4.Inkaarta Kulamada Finalka:

Six reasons to believe Liverpool will fail to beat Middlesbrough

ilaa haatan Tababare Klopp ayay kulamada Finalka inkaar ka haysata isaga oo xilli ciyaareedkii hore laba final ku guul daraystay.

Kulankii League cup-ka ayay Bar-baro la gashay ka hor inta ayna gool ku laag ugu khasaarin sidaasna ayna ugu guulaysan kooxda Man City.

Isla sanadkaas ayay ku fashilantay in ay Sevilla taas oo 3/1 ku garaacday kana qaaday koobka Europe League Hadana Klopp ayay hor taalaa shaqo adag oo ah in uu kulankan guul ka gaaro kuna rajo weynaado in Everton u qabto Arsenal.

5.Daafaca Birta ah ee kooxda Middlesbrough:

Image result for Middlesbrough Defence

Kooxda Middlesbrough ayaa ah kooxdii ugu daafaca adkayd kooxihii ka haray horyaalka iyaga oo cel-celis ahaan laga dhaliyay 1.35 gool taas ayaana caqabad ku noqon karta kooxda Liverpool ee uu weerarkeeda kala yaalo.

6.Maxa Yeelay Arsenal ayaa Mar Kasta Ku Dhamaysata Kaalinta 1-aad:

Image result for arsenal fourth place jokes

Tan iyo markii uu Tababare Wenger qabtay shaqada kooxda Arsenal tan iyo 1996-kii kooxda Arsenal ayaan ku fashilmin in ay ka harto tartanka champions league iyada oo sanado badan ku dhamaysatay kaalinta 4-aad taas oo la macno ah in ay Liverpool Arsenal ku haysato meel ay xaq u leedahay.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (11)

  1. dalab says:

    adeer kooxda.com sidan kuma shaqaysan kartaan shaqada hayskaga ciyaarona ciyaal arsenal ayaad tihiin waad cadaysateen taageeridiina kkkkkkkkk arsenal ayaa xaq u leh Ku lahaa ma ayey daa ayaa u siisay xaqa Liverpool way badinaysaa waliba sadaashan ayey Ku badinaysaa 3 0 goolasha waxa saxeexaaya sturidge lallana iyo contiho warera am a dhuusa isku xejiya xaarka adeer

  2. khaliif says:

    waan soo dhaweyneynaa fikirkiina arsenal guul ayaan u rajeynayaa Insha allah waana arki doonaa sida ey wax u dhacaan

  3. cumar says:

    waxa badeeso liverpool arsenaal waa latomaa guuul liverpool

  4. Mustafa shaarib says:

    New liverpool waa aay Badineysaa arsenal na wey adkaandoontaa In aay did. U soolabato mudo ayey ku qadandoontaa in aay champion league kusoolabato

  5. gacayte says:

    waxan si gaar ah ula hadlaya kooxda.com idinkama soconayo xiisana yeelan maayo warkiinu inta aad koox tageero u muujinaysaan
    Liverpool sababahan aad soo sheegtayna qaar laga aqbali karo maha
    arsenal ayey boos xaq uleedahay kahaysta Liverpool wax qof wayn loogu sheekeyo maaha raggyahaw inaga hagaajiya meesha

  6. Abdibaari says:

    kkkkk waxad rabtan bad no shegysan
    #livarbool oo bar barraha jecel kulaha kkk
    wad riyonaysa Arsenal bad tagerta dhiikar ba ku haya

  7. ifiyaha nolosha nolosha says:

    abti mestiri taageero cml ayaad uhadashay xaarsenal sanadkan melna ima socoto sanadkan was lol liverbool

  8. Hoodo says:

    Marka Hore anigu waxa aan aHay Taageero Kooxda Man City ah
    Anigu izma liHi Liverpool way Ka Hadhayzaa
    CHampin League waayo
    Marka Hore waxa LA Joogaa
    Garoonka Anfiled road
    Kooxduna waa Kooxha Ka Hadhay Eplka
    Gamekii Hore ee garoonka Middsbourg lagu ciyaaray watii Liverpool Ku badisay
    3 iyo 0 imikana waa anfiled
    Liverpool guul raaxo leg AYAAN u Rajeeynayaaa

  9. dacaat says:

    asc salaan kadib waax wlbo walo firsatha ee laiskama hdlo tankale kooxda.com wxn at soqorten wa fikrat at uqaldan liverpool oo klopp hagaminayo iyo hal kulan oo lagu xiray uso bixitanka champions league ilama ahn in liverpool ey kahariii chmpion mrka wxba arsenal haurathinina boos arsenal wey hrtay
    tanakle liverpool dawaacya xogaan ayaa kuhabsathen lkn hadii ey sithi mrku hrylaka bilmaye hadey ahan lahayen pl ayey utartami lahayen
    lallana 10 games mu ciyarin
    wujnaldum 5games
    jordan henderson 4month
    saido mane 2month
    joel matip 13 games
    coutinho 1month
    kwrma hadey hal ruux kamaqnan lehen sitha chlese
    wat mahtsntihin

  10. abdulahi liverpoool says:

    kkkkkkkkkk fikirka aad umada u keenaysaaan waa mid ka fog xaqiiqda kooxda.com ayaan la hadli. liverpool ooo garoo keedi joogta hal ciyaarna uga hadhsanthy inay soo baxdo miyaad rabtaan inaaad af ku reebtaaan waa wax aanan dhici doonin. waaan wada arki doona inshaaa alaah

  11. cabaas says:

    si kastay tahayba anigu waxaan ahay taageere man utd lkn sida aan isleeyahay marka aan eego kacsanaanta countihno fermino iyo waliba baahida ay u qabaan championska garoonka la jooogo waxay ila tahay in liverpool si raaaaxo leh ay u badinayso waa u final camal say u ciyaarayaan waana jeclaan lahaa in aan liverpool ku arko championska bal waxay ka keento




.

%d bloggers like this: