Warbixin: Kadib Markii Uu Xalay Ku Guulaystay Koobka Coppa Italia Dani Alves Oo Noqday Xiddigaha Ugu Koob Guulaysiga Badan Adduunka 2 Xiddig Kaliya Ayaa Ka Badan

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Dani Alves ayaa xalay kooxdiisa Juventus ka caawiyay hanashada Koobka Coppa Italia kadib markii ay 2/0 kaga adkaadeen kooxda Lazio.

Daafacan reer Brazil ayaa xalay kor u qaaday koobabkii uu ku guulaystay noloshiisa ciyaareed isaga oo ka dhigay 32 koob isaga oo ah xiddiga 3-aad ee ugu koobabka badan kubada cagta.

Alves ayaa Juventus kula guulaystay koobkii ugu horeeyay kadib markii uu xagaagii hore si xor ah ugu soo biiray kooxda kana yimid kooxda Barcelona.

Xiddigan ayaa ka la bar-bareeyay dhanka koob guulaysiga xiddiga kooxda Man United ee Zlatan Ibrahimovic kaas oo ku guulaystay 32 koob noloshiisa ciyaareed.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Zlatan Ibrahimovic ayaa koobab kula guulaystay kooxaha Ajax, Juventus, Inter, Barcelona, Milan, PSG iyo Manchester United Halka Dani Alves isna koobab kula guulaystay kooxaha Bahia, Sevilla, Barcelona iyo Juventus.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda PSG ee Maxwell ayaa ah xiddiga kale ugu koobabka badan isaga oo ku guulaystay 36 koob intii uu ciyaarayay kubada cagta.

Halyeeyga kooxda Man United ee Ryan Giggs ayaa ah xiddiga kale ee ugu koobabka badan isaga oo ku guulaystay 35 koob intii uu ku jiray garoomada kubada cagta.

Labadan xiddig ayaa fursad u haysta in ay koobabkooda sii wadaan xilli ciyaareedkan Zlatan ayaa koobka Europe League kula guulaysan kara kooxda Man united halka Alves kooxda Juventus kula guulaysan karo koobabka League Italy iyo waliba Champions league.

Hadaba waxa aanu liiskan kuugu soo gubin doonaa 6 xiddig ee ugu koobabka badan xiddigaha kubada cagta:

1.Maxwell: 36 koob

1 x Copa do Brasil: 2000

2 x Eredivisie: 2001-02, 2003-04

2 x Dutch Cup: 2001-02, 2005-06

2 x Dutch Super Cup: 2002, 2005

3 x Serie A: 2006-07, 2007-08, 2008-09

2 x Italian Super Cup: 2006, 2008

2 x La Liga: 2009-10, 2010-11

3 x Spanish Super Cup: 2009, 2010, 2011

1 x Champions League: 2010-11

2 x UEFA Super Cup: 2009, 2011

2 x Club World Cup: 2009, 2011

4 x Ligue 1: 2012-13, 2013-14, 2014-15, 2015-16

2 x French Cup: 2014-15, 2015-16

3 x French League Cup: 2013-14, 2014-15, 2015-16

4 x French Super Cup: 2013, 2014, 2015, 2016

Ryan Giggs: 35 Koob

13 x Premier League: 1992–93, 1993–94, 1995–96, 1996–97, 1998–99, 1999–2000,2000–01, 2002–03, 2006–07, 2007–08, 2008–09, 2010–11, 2012–13

4 x FA Cup: 1993–94, 1995–96, 1998–99, 2003–04

3 x League Cup: 1991–92, 2005–06, 2008–09, 2009-10

9 x Community Shield: 1993, 1994, 1996,1997, 2003, 2007, 2008, 2010, 2013

2 x Champions League: 1998–99, 2007–08

1 x UEFA Super Cup: 1991

1 x Intercontinental Cup: 1999

1 x FIFA Club World Cup: 2008

Zlatan Ibrahimovic: 32 Koob

2 x Eredivisie: 2001-02, 2003-04

1 x Dutch Cup: 2001-02

1 x Dutch Super Cup: 2002

6 x Serie A: 2004-05, 2005-06, 2006-07, 2007-08, 2008-09, 2010-11

3 x Supercoppa Italiana: 2006, 2008, 2011

1 x Spanish Super Cup: 2009

1 x European Super Cup: 2009

1 x Club World Cup: 2009

1 x La Liga: 2009-10

1 x Spanish Super Cup: 2010

4 x Ligue 1: 2012-13, 2013-14, 2014-15, 2015-16

3 x Trophee des Champions: 2013, 2014, 2015

3 x Coupe de la Ligue: 2014, 2015, 2016

2 x Coupe de France: 2015, 2016

1 x Community Shield: 2016

1 x League Cup: 2017

Dani Alves: 32 Koob

Dani Alves with the latest of his many, MANY trophies

Campeonato Baiano: 2001.

Campeonato do Nordeste: 2001, 2002.

Copa del Rey: 2006–07, 2008–09, 2011–12, 2014–15, 2015–16.

Spanish Super Cup: 2007, 2009, 2010, 2011, 2013.

UEFA Cup: 2005–06, 2006–07.

UEFA Super Cup: 2006, 2009, 2011, 2015.

La Liga: 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13, 2014–15, 2015-16.

Champions League: 2008–09, 2010–11, 2014–15.

Club World Cup: 2009, 2011, 2015.

Italian Cup: 2017

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: