Warbixin: 5 Xiddig Oo Ajax Ah Oo Ay Tahay In United Isha Ku Hayso Hadii Ay Doonayso In Ay Hanato Koobka Europe League

Waxa caawa uu kulan xiiso leh dhex mari doonaa kooxaha Ajax iyo Man United kuwaas oo ku loolami doona hanashada tartanka Europe League.

United ayaa markii ugu horaysay doonaysa in ay kor u qaado koobka Europe League hadlka Ajax ay doonayso in ay kor u qaado koobka kadib markii ay koob yurub ka maqnayd muddo 21 sano ah.

Kulanka caawa ayaa ah mid aan la saadaalin karin maadama ay labada kooxoodba ku jiraan xiddigo tayo fiican leh oo kulanka dhankooda u janjeedhin kara.

Hadaba United ayay hortaalaa in ay iska ilaaliso 5 Xiddig oo ka mid ah xiddigaha Mishiinka u ah kooxda Ajax hadii ay doonayso in ay hanato koobka.

Waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-tta xiddig ee ay tahay in United il gaar ah ku hayso:

1.Kasper Dolberg

كاسبر دولبيرج

Xiddigan oo 19 jir ah ayaa awood u leh dhamaystirka kubadaha loo keeno isaga oo sidoo kale ku caan ah orod badni iyo waliba kalsooni uu ka qabo naftiisa.

2.Bertrand Traoré:

Ajaxs-Bertrand-Traore-celebrates-scoring-their-fourth-goal

21 jirkan reer Burkina Faso ayaa amaah kula jooga kooxda Ajax waxana uu ka yimid kooxda chelsea waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddigan ayaa kooxdiisa u dhaliyay 13 gool inkasta oo uu ka ciyaaro garabka weerarka midig waana xiddig orod badan xirfad cajiib ahna ku xeel dheer.

3.Davinson Sánchez:

دافينسون سانشيز

Xiddigan reer Colombia ayaa ah 20 jir waan xiddig ay saaxiibadii ku naanaysaan “Birta” marka loo eego in uu yahay xiddig adag oo aan si dhib yar lagu jabin karin khadka dhexe.

Xiddigan ayaa sidoo kale ka ciyaara daafaca dhexe waana xiddig ku jira qaab ciyaareed waali ah taas oo keentay in ay kooxaha PSG,Barcelona iyo Real Madrid isku baacsadaan adeegiisa.

4.David Neres:

ديفيد نيريس

20 jirkan reer Brazil ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah marka loo fiiriyo in uu u ciyaaro qaabka weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luiz Surez.

Xiddigan da,yarka aha ayaa halis ku ah daafac kasta oo ka hor yimaada isaga oo daafacyada ku dhiba xirafadiisa cajiibka ah.

5.Justin Kluivert:

جاستن كلويفرت

Xiddigan reer Holland ayaa ah xiddig ka ciyaara garabka bidix waana xiddig awood u leh in uu xirado kala duwan iyo orod ku dhaafo daafacayada ka soo hor jeeda.

18 jirkan oo inta badan badal ku soo gala ayaa hadidaad weyn ku noqon doona xiddigaha United qaybta dambe marka uu badalka ku soo galo.

Comments

comments

One Response to "Warbixin: 5 Xiddig Oo Ajax Ah Oo Ay Tahay In United Isha Ku Hayso Hadii Ay Doonayso In Ay Hanato Koobka Europe League"

Leave a Reply