WARARKA SUUQA & SAAKEY: Liverpool → Kylian Mbape, Manchester United → Ederson, Manchester City → Alexis Sanchez & Warar Kale

Jimco wanaagsan dhamaan aqristiyaasheena kusoo dhowaada wararkii ugu dambeeyey ee dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda saakey.

Waxyaabo badan oo xiiso leh kuna saabsan kubada cagta ayaan idiin la wadaageynaa oo aan kusoo qaadandoonaa warbixinteena.

*Macalinka kooxda Chelsea ayaa kalsooni badan lasiindoonaa waxaana uu helidoonaa lacag dhan  £200m,waxaana laga doonayaa inuu kooxda keensado ciyaaryahano muhiim ah xilli ciyaareedka soo socda.Daily Telegraph.

*Garabka duula ee kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa helidoona isaga lacag kordhin waa haddii mushaarka u kordhinayo kooxda Chelsea.Evening Standard.

*Balse kooxda Real Madrid ayaa qorsheeyneysa in xidigaan ay soo qaadato maadaama ay damacsan yihiin inay ku bedelaan xidigo kale oo kooxda iskaga tegikara.Don Balon.

*Kooxda Monaco ayaa soo celisay lacag dhan 75m euros oo ay Liverpool ku dooneysey da’yarka kooxdaas Kylian Mbappe.Marca.

*Manchester United ayaa qorsheeysatay in bedelka goolhaaye David De Gea ay ka dhigaan Ederson , waa haddii wiilka reer Spain uu go’aansado inuu aado Spain(Real Madrid).Manchester Evening News

*Sidoo kale Kooxda Manchester United ayaa u dhaqaaqikarta soo qaadashada ciyaaryahanka kooxda ATletico Madrid goosha u qabta Jan Oblak.Goal.

*Xitaa kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda damacsan inay soo qaadato ciyaaryahanka kooxda Atletico MAdrid Jan Oblak, balse Manchester United waxaa xilligaas u bad baadikara De Gea.Daily Star.

*Manchester City ayaa damacsan inay iska iibiso xidigaha kala ah Kelechi Iheanacho iyo Nolito , waxaana ay damacsan tahay lacag xidigahaasi inay kusoo qaaadato Alexis Sanchez.Daily Express.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa damacsan inuu iskaga tago kooxda Arsenal , waxaana uu doonayaa inuu koox kale raadsado inta aan lagaarin koobka aduunka 2018.Daily Mirror.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: