WARARKA SAAKEY & SUUQA KALA IIBSIGA: Barcelona, Real Madrid, Manchester United, Moussa Sissoko, Dani Alves & Wara Kale Oo Xiiso Badan

Dhamaan aqristiyaasheen sharafta badan kusoo dhowaada wararkii ugu dambeeyey ee  dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda saakey.

Sheekooyin xiiso badan ayaan kusoo qaadandoonaa , waxaana kamid ah waxyaabaha ugu hadal heeynta badan suuqa kala iibsiga.

*Kooxda Tottenham ayaa damacsan in wada hadal ay la furto kooxda Juventus waxaana ay ka dooneysaa daafaca birta ah ee kooxdaas Danid Alves.Yahoo.

*Dani ALves ayey doonayaan  inay bedel kaga dhigaan ciyaaryahan Kyle Walker kaasi oo lagu xamanayo inuu ka tegidoono kooxda Spurs.Evening Standard.

*Kooxda Barcelona ayaa damacsan inay soo qaadato ciyaryahanka garabka ka ciyaara ee kooxda Tottenham Moussa Sissoko, balse waxaa ay dagaal xoogan kala kulmidoontaa kooxaha kala ah Real Madrid iyo Ac Milan.Don Balon.

*Kooxda Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhigatay Bernando Silva kaasi oo qaab ciyaareed wanaagsan ku qaatay kooxda Monaco kana caawiyey ku guuleeysiga horyaalka France.Metro.

*Kooxda Chelsea ayaa damacsan inay heshiis ka saxiixato goolhaayeheeda Thibaut Courtois kaasi oo qaadandoona todobaadkii wax ka badan £150,000.Telegraph.

*Kooxda Arsenal waxaa ay qorsheeyneysaa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka daafaca ka ciyaara ee kooxda Real MAdrid Danilo.Don Balon.

*Bartilmaameedkii Arsenal ee Kooxda Lyon Alexandre Lacazette ayaa sheegay inuu ku biiridoono kooxda reer Spain ee Atletico Madrid.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: