Waa Sidee Xaalada Bale & Finalka Champions League Oo Lagu Qabandoono Magaaladiisa Wales , Diyaar Ma Yahay AMA?

Kooxda Real Madrid ayaa rajeeyneysa inay hesho Finalka Koobka Champions League mid kamid ah xidigaha halbowlaha u ah kooxda kaasi oo inta badan ku dhameeystay dhaawcyada xilli ciyaareedkaan.

Bale ayaa seegay kulamada Champions League wareegyada Bug baxa , sidoo kale xidigaan ayaa dhaawac ku seegay kulankii weeynaa ee Classico ,waxaana xidigaan booskiisa buuxiyeen wiilal kale oo dhib badan.

Maclain Zidane ayaa hada rajeeynaya in Bale uu soo laabto kulanka kooxdiisa ay la dheeleyso kooxda Juventus ee Finalka Champions League.

Dhanka kale ciyaaryahanka reer Wales ayaa lagu qabandoonaa koobkaan Cardif oo ah magaaladiisa ,waxaaana taasi kuu muujineysaa sida uu kulankaan muhiim ugu yahay.

Sida uu Ronaldo Lisbon ugugu dabaal degay koobkaan ayey rajeeynayaan taageeriyaasha kooxda Real Madrid inay iyagana sidaas oo kale ugu dabaal degaan.

Bale ayaa soo dhigay baraha bulshada sida uu ugu diyaar garooway kulankaan waxaana uu xidigaan kooxdiisa ka caawinayaa waxyaabo badan.

Xaalada xidigaan ayaa soo hagaageysaa waxaana wiilkaan hareeyeen dhaawacyo noloshiisa waana sababta ku qasbeeysa inuu wax badan ka maqnaando kooxdiisa.

Comments

comments

Leave a Reply