Waa Maxay Sababta Uu Benzima Kursiga Kaydka Ugu Hayo Morata? Carlo Ancelotti

Tababaraha kooxda Bayern Munich ahaana Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sharaxay sababta uu Weeraryahanaka Reer France ee Karim Benzima uu shaxda Real Madrid Uga Horeeyo weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka Reer France ee Benzima ayaa Ka Horeeya ama kursiga kaydka ku haya Weeraryahanka reer Spain ee Morata inkasta oo uuna qaab ciyaareed fiican soo bandhigin kulamada xilli ciyaareedkan.

Morata ayaa ah xiddig qaab ciyaareed fiican ku jira inkasta oo uu kaydka ku qaatay inta badan kulamada xilli ciyaareedkan.

Tababare Carlo Ancelotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Sababta uu Benzima sida joogtada ah ugu ciyaaro ayaa ah in uu ku fiican yahay marka uu Ronaldo ka garab ciyaarayo”

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Morata waa xiddig fiican shaki la,aan laakiin qaab ciyaareed fiican ma soo bandhigo marka uu Ronaldo ka garab ciyaarayo”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Carlo Ancelotti oo ka hadlaya kooxda uu taageeri doono finalka champions league ee ay Real Madrid iyo Juventus ku wada ciyaarayaan dalka Wales ayuu yiri”waxan taageerayaa kooxda fiican”

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: