TAXANAHA PREMIER LEAGUE: Dabaal Degii Chelsea, Hull City Oo Maca Salaamaysay Horyaalka Heerka Koowaad, Taageerayaasha Arsenal Oo Soo Dhaweeyay Europa League, Rikooradii Laga Diiwaan Geliyay Horyaalka Usbuucan, Afar Tababare Oo Horyaalka Hantay Xilli Ciyaareedkoodii Koowaad Iyo Hal-xiraalaha Usbuuca

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu Akhristayaal Meel Walba oo aad ku suganyihiin waa Mustafe Atam iyo Barnaamijkii usbuuclaha ahaa ee TAXANAHA PREMIER LEAGUE. Barnaamijkan ayaad aalaaba la socon jirteen maalinta isniinta ah usbuuc kasta oo horyaalka ingiriiska la ciyaaro balse mudo dhowr bilood ah ma aynaan ku kulmin sababo jiro awgood lkn hada kadib waxaa naga go’an inaan usbuuc walba idiin soo diyaarino.

Barnaamijka waxaan kusoo qaadanaa Waxqabadka usbuucaas laga sameeyo horyaalka Ingiriiska, Rikoorada Laga Diiwaan Geliyo, Kulamada La Ciyaaro Iyo waliba Dhacdooyinka ugu xiisaha badan ee la diiwaan galiyo Usbuucaasi.

Dabaaldegii Chelsea Iyo Guushii The Howthorns

Kooxda Chelsea ayaa usbuucan dhigeeda West Bromich Albion ku booqatay gegagada The Howthorns halkaasi oo labada kooxood kusoo bandhigeen ciyaar xiiso iyo xamaasad badneyd. The Blues ayay ka go’neyd inay xaqiijiyaan ku guuleysiga horyaalka Ingiriiska sidoo kale West Bromich Albion ayaa iyaguna dhankooda u taagnaa sidii ay kooxda Chelsea uga hlr istaagi lahaayeen inay isla garoonkan ku dabaal degaan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Si kastaba askarta tababare Conte ayaa soo ban dhigay ciyaar qurux badan qeybtii hore waxeyna abuureen fursado tiro badan balse waxaa looga dhaartay inay shabaqa soo taabtaan. Qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa la isku soo noqday natiijada ayaana waxba iska bedelin tan iyo sideetameeyadii.

Daqiiqadii 82aad ayay kooxda Chelsea jabisay is-mari-waagii u dhexeeyay labada kooxood waxaana gool caaqibo leh u saxiixay weeraryahankooda Michy Batshuay kaasi oo ciyaarta bedel kusoo galay.

Ugu danbeyn ciyaartaasi ayaa kusoo idlaatay 1:0 taasi oo naadiga Chelsea u suura gelisayinay horyaalka u dabaal degaan. Taasi waxay la micno tahay inay Chelsea ku guuleysatay horyaalkoodii 6aad taariikhdooda iyo sidoo kale horyaalkii 5aad tan iyo markii horyaalka loo bixiyay English Premier League. Chelsea ayaa sidoo kale noqotay kooxda labaad ee 5 horyaal ku guuleysata tan iyo 2003 waxaana sidaasi sameysay kaliya Manchester united. Hambalyo Chelsea!

Hull City Oo Maca Salaamaysay Premier League

Naadiga Hull City ayaa u dhaadhacday horyaalka heerka labaad kadib markii 4:0 loogu awood sheegtay xalay. Naadiga Crystal Palace ayaa afar gool ku khaarajisay dhigeeda Hull City waxeyna sabab u noqdeen inay Hull City garwaaqsato inay xagaaga danbe ka ciyaarayso heerka labaad. Hull City waa kooxda sadexaad ee maca salaameysa horyaalka kadib Midslesbrough iyo Sunderland.

Taageerayaasha Arsenal Oo Soo Dhaweeyay Europa League

Naadiga Arsenal ayaa dhigeeda Stoke City ku xasuuqday 4:1 kadib markii ay goolashaasi u kala ansixiyeen xidigaheeda Alex Sanxhez, Giroud(2) Iyo Mesut Ozil.

Balse guushaas ayaan u cuntamin taageerayaasha Arsenal maadaama kooxda Liverpool guuleysatay. Guusha Liverpool ayaa god ku riday rajadii ay kooxda Arsenal ka laheyd inay usoo baxaan tartanka dhago-weynaha Champions League.

Arsenal oo kaalinteeda haatan ku dhameysata ayaa la micno ah inay ka qeyb gali doonaan tartanka Europa League.

Hadaba taageerayaasha naadiga Arsenal ayaa soo dhaweeyay inay xilli ciyaareedka danbe ka ciyaaraan tartanka Europa League kadib markii kooxda Liverpool ay 4:0 ugu awood sheegatay dhigeeda

Taageerayaasha Gunners ayaa barta Twitterka si xoogan uga fal celiyay kadib guushii Weyneyd ee Liverpool ka gaadhay West Ham waxaana erayadooda kamid ahaa:

Welcome to Europa League Football @Arsenal

— Jr (@ralphie_jr) May 14, 2017

Taageere ay ugu qorneyd Jr ayaa soo qoray, “Arsenal, kusoo dhawoow Kubada Europa League”

Enjoy Thursdays boys @Arsenal

— Cory (@NobleSix_) May 14, 2017

Mid kale oo ay ugu qorneyd Cory ayaa isagana soo qoray, “Arsenal, Ku raaxaysta Khamiista” isagoo ula jeeda in Europa League khamiista la ciyaaro.

Announce Europa League @Arsenal

— Peter COYI (@NoSantiNoParty) May 14, 2017

Mid kale oo ay ugu qiorantahay Peter ayaa soo qoray, “Arsenal, ku dhawaaqa Europa League”

Manchester City Oo Guul Muhiim Ah Gaadhay Kooxda Leiceter City

Kooxda Manchester City ayaa guul muhiim aheyd waxay usbuucani ka gaadhay dhigeeda Leicester City oo ay kusoo dhaweeyeen Etihad Stadium. Guusha ciriiriga aheyd ee ay Sky Blues ka gaareen dhigooda LFC waxaa u sahlay 2 gool oo ay u dhaliyeen xidigaheeda kala ah David Silva iyo Gabriel Jesus. Rajadii Manchester City ee aheyd inay kasoo qeyb galaan Champions League ayaa kor u kacday shakina kuma jiro inay afarta sare kamid noqon doonaan hadii ay guuleystaan labada kulan ee hadhay.

Liverpool Oo Cagta Marisay West Ham Ubited Isla Markaana God Dheer Ku Riday Rajadii Arsenal ee Top Four

Naadiga Reds ayaa London kusoo booqatay dhigeeda West Ham kadibna waxay ku xasuuqeen goolal tiro ah oo gaaraya 4: 0. Goolashaasi waxaa naadiga Reds u ansisiyay xidigaheeda kala ah Daniel Sturridge, Philippe Coutinho(2), iyo Divock Origi. Guusha Liverpool ayaa ka dhigan inay sii yaraanayso rajada ay kooxda Arsenal ka qabaan inay xilli ciyaareedka danbe kasoo qeyb galaan Champions League.

Tottenham Oo Garaacday Man United Iyo Hamiga Jose Mourinho Oo Isugu Uruuray Europa League

Naadiga Tottenham ayaa iyaduna soo af-jartay rajadii Man United ee aheyd inay ku dhameysato afarta sare. Spurs ayaa guul dahabi ah ku gaaray White Hart Line waxayna Shayaadiinta cas-cas ku khaarajiyeen 2:1. Goolasha ay Tottenham ugu awood sheegatay Man United waxaa u kala ansixiyay xidigaha kala ah Victor Wanyama iyo Harry Kane, halka goolka kaliya ee Red Devils uu Tottenham ka dhaliyay Weyne Rooney.

Guuldradaasi Man United soo gaartay ayaa ka dhigan inay kooxda Jose Mourinho diirada saaraan koobka Europa League kaasi oo ay haatan taaganyihiin Final-kiisa. Hadii ay Man United ku guuleysatao tartankaasi waxaa u suurta gali doonta inay kasoo qeyb galaan tartan weynaha Champions League.

Afar Tababare Oo Horyaalka Ku Guuleystay Xilli Ciyaareedkoodii Koowaad

Tababarayaasha Kala Ah Jose Mourinho, Carlo Ancelotti, Manuel Pallegrini Iyo Antonio Conte ayaa dhamaantood horyaalka Ingiriiska ku guuleystay xilli ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee ay koox ka tirsan ingiriiska maamulaan. Sadex Kamida macallimiintaas ayaa horyaalka sanadkoodii koowaad kula guuleystay naadiga Chelsea halka Manuel Pallegrini kula guuleystay Manchester City.

Rikoorada Iyo Dhacdooyinka Laga Diiwaan Geliyay Horyaalka Ingiriiska Usbuucan

  • Liverpool Waa Kooxda Labaad Ee Ugu Goosha badan horyaalka ingiriiska xilli ciyaareedkan(75) kaliya Chelsea ayaa ka horaysa(76).
  • Chelsea waa kooxda xilli ciyaareedkan dhibcaha ugu badan banaanka(Away) kusoo qaadatay(42 Dhibxood).
  • Leicester waa kooxda kulamada ugu badan laga badiyo iyaga oo difaacanaya horyaalka(17 Kulan).
  • Christian Eriksen Wuxuu Caawiyay 26 Gool Tan Iyo Xilli Ciyaareedkii 2015/16. Kaliya Waxaa Tiradaasi La Wadaaga Mesut Ozil(26 Caawin).
  • Naadiga Tottenham Minankooda Loogama Adkaan Dhamaan Tartamada Xilli Ciyaareedkan(21 Guul, 2 Barbar Dhac, +64 Gool Ayay Dhaliyeen, 12 Gool Ayay Qaabileen Mudadaasi).
  • Hull City waa kooxda guuldarooyinka ugu badan qaabishay xilli ciyaareedkan(72 Gool).
  • Kooxda Liverpool waxey kusoo guuleysatay 52 garoon oo kala duwan taariikhda Premier League. Waa kooxda ugu badan ee sidaas sameysa.

Hal Xiraale

Hal Xiraalaha Usbuuca: Waxaan ku guuleystay Champions League, Premier League iyo FA Cup. Naadigeyga haatan waxaan u saftay 391 Kulan qarankeygana waxaan u saftay 119 Kulan. Kumaan Ahay?

Intaasi waxaa inoogusoo idlaaday barnaamijkeenii aan ku falanqeynaynay horyaalka Ingiriiska iyo waxyaalihii laga sameeyay usbuucani inta aan barnaamijkan Mid lamid ah ku kulmayno waxaan idinku dhaafayaa Amaana Alle.

Boga Facebook ee daadihiyaha barnaamijkan waxaad ku raadin kartaa Mustafe Atam ama riix halkaan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. nuur wadaad axmed says:

    waxaad tahay join terey

  2. caliadan says:

    waa Rooney

  3. farah sharaf says:

    waxaad tahay jeeraar




.

%d bloggers like this: